Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabad shirkad gaar ah loogu wareejinayay nadaafadda caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray shirkadda nadaafadda deegaanka ee ECCO oo ah shirkad gaar loo leeyahay, waxaana sidoo kale munaasabaddaasi ka qeyb-galay duqa Muqdisho, wasiirro, xildhibaanno, maamulka shirkadda, saraakiisha ciidanka, qaar ka mid shaqaalaha shirkaddaasi iyoย  fannaaniin.

Cabdi-xakiim Yuusuf Xasan oo ahย  maamulaha guud ee shirkadda ECCO, ayaa sheegay ย in u jeedadu ay tahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadka gobolka Banaadir, isla markaana looga qeyb-geli lahaa horumarka caasimadda.

Related posts

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

January 29, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, C/kariim Maxamuud Gabeyre, ayaa soo dhoweeyey shirkaddaan ka shaqeyn doonta nadaafadda deegaanka,isagoo tilmaamay in ย ganacsatada Soomaaliyeed ay u gudbeen horumarinta dalka iyo degnaanshihiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, ayaa sheegayย  in u jeedada shirkaan loo siiyey mashruuca dhanka nafaadadda ah ay tahay horumarinta caasimadda, waxa uu ballan qaadey in ay gacan siin doonaan, isla markaana lagula xisaabtami doono shaqada ECCO.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti, ayaa soo dhoweeyey mashruucaanย  ballaaran ee ECCO, waxa uu xusay in dhowaan ay shirkad gaar ah siin doonaan bixinta Leysinka baabuurta.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn ku boggaadiyey dowladda hoose ee Xamar tallaabada ay u qaadey dhiiragelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo mashruuca nadaafadda gobolka Banaadir ee ECCO la siiyey, waxa uu sheegay madaxweynuhu in waajib ay tahay gacan siin shirkadda ECCO oo ka howlgeli doonta horumarinta nadaafadda caasimadda, heyโ€™addaha dowladda oo dhanna waxa uu faray in ay la shaqeeyaan shirkaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay maalgelinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku sameysanayaan dalkooda, waxa uu ugu yeeray kuwa kale in ay sidaan oo kale u maalgashadaan dalkooda, dowladda Soomaaliyeedna ay mar walba diyaar u yahay in ay boggaadiso lahaanshaha gaarka ah.

Shirkadda ECCO waxa ay soo bandhigtay Qalabka iyo shaqaalihii ku shaqeyn lahaa mashruuca weyn ee u shaqeyn doona hababka casriga ah, si caasimadda Soomaaliyeed ay hormuud ugu noqoto caasimadaha caalamka dhinaca nadaafadda, waanaย  fursad ay ganacstada siisay dowladda madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.

Previous Post

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Guddi u saaray Colaadda Gaalkacyo

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga,...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

January 29, 2026
0

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In