Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabad shirkad gaar ah loogu wareejinayay nadaafadda caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 17, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray shirkadda nadaafadda deegaanka ee ECCO oo ah shirkad gaar loo leeyahay, waxaana sidoo kale munaasabaddaasi ka qeyb-galay duqa Muqdisho, wasiirro, xildhibaanno, maamulka shirkadda, saraakiisha ciidanka, qaar ka mid shaqaalaha shirkaddaasi iyo  fannaaniin.

Cabdi-xakiim Yuusuf Xasan oo ah  maamulaha guud ee shirkadda ECCO, ayaa sheegay  in u jeedadu ay tahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dadka gobolka Banaadir, isla markaana looga qeyb-geli lahaa horumarka caasimadda.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, C/kariim Maxamuud Gabeyre, ayaa soo dhoweeyey shirkaddaan ka shaqeyn doonta nadaafadda deegaanka,isagoo tilmaamay in  ganacsatada Soomaaliyeed ay u gudbeen horumarinta dalka iyo degnaanshihiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, ayaa sheegay  in u jeedada shirkaan loo siiyey mashruuca dhanka nafaadadda ah ay tahay horumarinta caasimadda, waxa uu ballan qaadey in ay gacan siin doonaan, isla markaana lagula xisaabtami doono shaqada ECCO.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti, ayaa soo dhoweeyey mashruucaan  ballaaran ee ECCO, waxa uu xusay in dhowaan ay shirkad gaar ah siin doonaan bixinta Leysinka baabuurta.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn ku boggaadiyey dowladda hoose ee Xamar tallaabada ay u qaadey dhiiragelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo mashruuca nadaafadda gobolka Banaadir ee ECCO la siiyey, waxa uu sheegay madaxweynuhu in waajib ay tahay gacan siin shirkadda ECCO oo ka howlgeli doonta horumarinta nadaafadda caasimadda, hey’addaha dowladda oo dhanna waxa uu faray in ay la shaqeeyaan shirkaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay maalgelinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku sameysanayaan dalkooda, waxa uu ugu yeeray kuwa kale in ay sidaan oo kale u maalgashadaan dalkooda, dowladda Soomaaliyeedna ay mar walba diyaar u yahay in ay boggaadiso lahaanshaha gaarka ah.

Shirkadda ECCO waxa ay soo bandhigtay Qalabka iyo shaqaalihii ku shaqeyn lahaa mashruuca weyn ee u shaqeyn doona hababka casriga ah, si caasimadda Soomaaliyeed ay hormuud ugu noqoto caasimadaha caalamka dhinaca nadaafadda, waana  fursad ay ganacstada siisay dowladda madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.

 

Previous Post

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Guddi u saaray Colaadda Gaalkacyo

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In