Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 13 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeenn hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iskaashiga dhaqaalaha caalamiga iyo in la sameeyo qaab looga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo saameyn weyn ku yeesha dalalka soo koraya.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Waddamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya ayaa dalban doona qaabab cusub oo lagu horumarin karo dhaqaalahooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad.

–DHAMMAAD—

 

Previous Post

Xeer ilaaliyaha guud oo dacwad ka dhan ah arrimaha badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo saaka gudbinaya

Next Post

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo safiirka Jabuuti oo gaaray Beledweyne

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In