Tuesday, August 16, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

July 13, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 13 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeenn hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iskaashiga dhaqaalaha caalamiga iyo in la sameeyo qaab looga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo saameyn weyn ku yeesha dalalka soo koraya.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Waddamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya ayaa dalban doona qaabab cusub oo lagu horumarin karo dhaqaalahooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad.

–DHAMMAAD—

 

Previous Post

Xeer ilaaliyaha guud oo dacwad ka dhan ah arrimaha badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo saaka gudbinaya

Next Post

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo safiirka Jabuuti oo gaaray Beledweyne

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
0

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax...

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo...

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

August 15, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed...

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

August 15, 2022
0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In