Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Jabuuti oo deeq gaarsiiyay agoon ku nool Muqdisho

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo safiirka Jabuuti oo gaaray Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Dayid Dubada Rooble ayaa maanta deeq uu soo dhiibay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu gaarsiiyey gabdho ogoon ah oo lagu xanaaneeyo xarun ku taala degmada Boondheere, iyadoo safiirka ay wehlinayeen wasiirada Warfaafinta iyo haween iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka.
Mas’uuliyiintan ayaa marka hore kormeerey qololka ay jeeftaan gabdhahan agoonta ah si ay u ogaadaan xaalada nololeed oo ay ku sugan yihiin,waxana intaasi kadib lagu soo dhaweyey safiirka iyo mas’uuliyintii dowlada ee la socday hees carruurto ay ku muujinnayeen sida Jabuuti u garabtaagan tahay Soomaaliya.
Mudane Dayib Dubadda Rooble safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa sheegay in deeqdaan ay dowladda Jabuuti ugu talagashay in lagu caawiyo gabdhaha agoonta ah, isagoo tilmaamay in madaxweynaha dalka Jabuuti xilligii uu booqashada ku imaanayay magaalada Muqdisho oo amray in deeq la gaarsiiyo carruurtan agoonta ah.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) oo isna hadal kooban jeediyay ayaa balan qaaday inuu ka qayb qaadanayo ciida gabdhahaan agoonta ah golaha wasiiradana uu hor gayn doono marxalada carruurtaan.
“Anigu waxan balan qaadayaa in maalinta ciida aan ka dharjiyo hilib iyo Xalwad iyo Buskut sido kale waxan hor gayn doona golaha wasiirada xaaladda carruurta agoonta ah, waana balan qaadaynaa in hada kadib kafaala la aan aysan noqonin ayaan balan qaadaynaa”, ayuu yiri Wasiir maareeye.
Wasiirka haween iyo horumarinta xuquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa baaq u dirtay madaxda hada ku fadhisa kuraas waxayna xustay carruurta ku jirta xarumaha xanaanada iyo kuwa dhibaataysana ay yihiin mustaqbalka kuwii dalka hanan lahaa .
Tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa isa soo tarayay gargaarka la gaarsiinaayo dadka danta yar ee ku nool magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee ka baxsan.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

Next Post

Shirkadda Hormuud oo $15,000 ugu deeqday canug xanuunsan-Sawirro

Next Post
Shirkadda Hormuud oo $15,000 ugu deeqday canug xanuunsan-Sawirro

Shirkadda Hormuud oo $15,000 ugu deeqday canug xanuunsan-Sawirro

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ee Galmudug iyo Puntland oo iskaashanaya ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Galkacyo,...

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qorshe lagu doonayo in Kenya laga dhiso xarun lagu karantiilo laguna daweeyo dadka Maraykanka ah,ee la kulmay Ebola ayaa...

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In