Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo kamid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyay difaaca dalka Soomaaliya gaar ahaan badda Kenya ay muranka gelisay.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u qornaa sida:

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

February 14, 2026
Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

February 14, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyeeyey geerida Eng. Maxamed Cumar Saalixi

Next Post

Golaha wasiirada Puntland oo maanta yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa “SAWIRRO”

Next Post
Golaha wasiirada Puntland oo maanta yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa “SAWIRRO”

Golaha wasiirada Puntland oo maanta yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay A3 ee Xoojinta Doorka Afrika ee Golaha...

AKHRISO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

AKHRISO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga Addis Ababa, Ethiopia Febraayo 13, 2026...

Madaxweynaha JFS oo Itoobiya kaga qayb galay Shir Madaxeedka Africa iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS oo Itoobiya kaga qayb galay Shir Madaxeedka Africa iyo Talyaaniga

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In