Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo.

‘’Innaa Lillahi wa Inaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo dalkan xilal kala duwan ugu soo adeegay. Waxaan marxuumka ku tilmaami karaa shakhsi dhismihii hay’adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa’’.

Related posts

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026

Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo oo caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaa uu ahaa siyaasi, aqoonyahan iyo shakhsi nabadda u ololeeya. Waxaa uu kaalin muuqata ka soo qaatey warbaahinta Soomaaliya, isagoo mar noqdey Agaasimaha Raadiyihii Qaranka, marna ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Marxuumka waxaa u ka dhex muuqday dadaaladii dib u heshiisiinta iyo dib u yagleeliddii qarannimadii Soomaaliya, waxaana ilaa inta ay geerida uga timaaddo uu ku lug lahaa hawlo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii bulshada ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka baxay ummadda Soomaaliyeed, una soo dhabar adeygey xaaladihii adkaa ee waddanka ka jiray, waxaana uu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Xoghayaha guud ee Q. M. oo booqday qaxooti ku jira xero ku taala waqooyiga Aljeeriya

Next Post

R/wasaare ku xigeenka oo Booqasho Shaqo ku Jooga dalka Maraykanka+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku xigeenka oo Booqasho Shaqo ku Jooga dalka Maraykanka+Sawirro

R/wasaare ku xigeenka oo Booqasho Shaqo ku Jooga dalka Maraykanka+Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In