Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ku baaqay in fursado la siiyo Qaxootiga Soomaalida “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 23, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ku baaqay in fursado la siiyo Qaxootiga Soomaalida “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo shalay booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

 

Previous Post

Ololaha dib usoo celinta bilicda Degmada Heliwaa oo si habsami leh u socoto “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In