Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DHAGAYSO: Madaxweynaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel ka socda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isagoo u waramayay laanta af-Soomaaliga ah ee idaacada BBC-da, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomalia mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Guriceel, musuq maasuqa iyo waxa dowladda uga qorsheysan iyo arimo kale .

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada halka isku haya in wada hadal lagu xaliyo tabashada jirta isagoo ugu baaqay in cid kasta oo tabasho qabta  ay dowladdu diyaar u tahay in ay dhageysato cabashadeeda.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee somalia mudane xasan sheikh maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay arimo la xiriira musuq la sheego in uu ka dhex jiro hay’adaha dowladda qaarkood ayadoo dhawaan xafiisyada xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka guud  ay soo bandhigeen eedeymo la xiriira musuq maasuq jira. waxaana uu sheegay madaxweynuhu in cid kasta oo lagu helo arrintaas sharciga la marsiinayo ayadoo la raacayo shuruucda dalka u taalla.

Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay oo uu baaritaan guud oo uu mar walba isku sameeyo uu u tagay Jarmalka. Ayadoo sidoo kale ay jiraan shaqooyin kale oo dowladeed oo uu     u tagay waddankaas.

Qeybtan hoose ka dhagayso warbixinta

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/02/WAR-KAAHIYE-MADAX-WEYNAHA.mp3
Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Next Post

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Next Post
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In