Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DHAGAYSO: Madaxweynaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel ka socda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 14, 2015
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Isagoo u waramayay laanta af-Soomaaliga ah ee idaacada BBC-da, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomalia mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Guriceel, musuq maasuqa iyo waxa dowladda uga qorsheysan iyo arimo kale .

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada halka isku haya in wada hadal lagu xaliyo tabashada jirta isagoo ugu baaqay in cid kasta oo tabasho qabta  ay dowladdu diyaar u tahay in ay dhageysato cabashadeeda.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee somalia mudane xasan sheikh maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay arimo la xiriira musuq la sheego in uu ka dhex jiro hay’adaha dowladda qaarkood ayadoo dhawaan xafiisyada xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka guud  ay soo bandhigeen eedeymo la xiriira musuq maasuq jira. waxaana uu sheegay madaxweynuhu in cid kasta oo lagu helo arrintaas sharciga la marsiinayo ayadoo la raacayo shuruucda dalka u taalla.

Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay oo uu baaritaan guud oo uu mar walba isku sameeyo uu u tagay Jarmalka. Ayadoo sidoo kale ay jiraan shaqooyin kale oo dowladeed oo uu     u tagay waddankaas.

Qeybtan hoose ka dhagayso warbixinta

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/02/WAR-KAAHIYE-MADAX-WEYNAHA.mp3
Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Next Post

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Next Post
Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In