Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulamo la yeeshay ergooyinka shirka dib u heshiinta Dhuusamareeb(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 25, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulamo la yeeshay ergooyinka shirka dib u heshiinta Dhuusamareeb(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

24 Maarso 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa bilaabey kulamo gooni gooni ah oo u la yeelanayo ergooyinka shirka dib u heshiinta ee Dhuusamareeb, si uu xog ogaal ugu noqdo, isla markaana uu tilmaamo uga bixiyo hawsha harsan.

Madaxweynaha oo maanta halkaaasi gaarey , isla markaana ay socdaalkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil sare oo ka tirsan cidammmada iyo ganacatsao ka soo jeeda gobollada dhexe, ayaa waxaa ujeeddada socdaalkiisu ay qeyb ka tahay dardargelinta hawlaha dib u heshiinta, iyo dhisidda maamul goboleed laga unko gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweynaha waxaa Dhuusamareeb si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Galguduud , Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo horkacayay dadweynaha gobolka, iyo madax dhaqameedyada gobollada dhexe ee maalmahan shir dib u heshiin ah uu uga socdey magaaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaanu ka amababixin gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu mid mid u gacanqaadey Soomaali ku dhaawacantey qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo loo qaadey dalka Boqortooyada Sacuudiga si loogu soo daaweeyo.

Madaxweynaha oo ay hareer socdeen Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Cusmaan Maxamed Cabdi, ayaa gacanqaadka kadib waxaa uu dhaawaca ilaah uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Dhaawaca waxaa lagu qaadey laba diyaaradood oo bukaan-la –duul ah oo uu u dhan yahay qalabkooda caafimaad, ayna la socdaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad o ay dhammaantood soo dirtey Boqortooyada Sacuudiga.

-DHAMMAAD-
unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (2)

unnamed (1)

unnamed

 

 

 

 

IB0A4739

 

 

IB0A4731

IB0A4651

IB0A4635

IB0A4618

IB0A4614

IB0A4580 (1)

IB0A4587

IB0A4592

Previous Post

Jowhar oo howlgal amniga ah laga sameeyey

Next Post

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Next Post
Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In