Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulamo la yeeshay ergooyinka shirka dib u heshiinta Dhuusamareeb(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulamo la yeeshay ergooyinka shirka dib u heshiinta Dhuusamareeb(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

24 Maarso 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa bilaabey kulamo gooni gooni ah oo u la yeelanayo ergooyinka shirka dib u heshiinta ee Dhuusamareeb, si uu xog ogaal ugu noqdo, isla markaana uu tilmaamo uga bixiyo hawsha harsan.

Madaxweynaha oo maanta halkaaasi gaarey , isla markaana ay socdaalkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil sare oo ka tirsan cidammmada iyo ganacatsao ka soo jeeda gobollada dhexe, ayaa waxaa ujeeddada socdaalkiisu ay qeyb ka tahay dardargelinta hawlaha dib u heshiinta, iyo dhisidda maamul goboleed laga unko gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Madaxweynaha waxaa Dhuusamareeb si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Galguduud , Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo horkacayay dadweynaha gobolka, iyo madax dhaqameedyada gobollada dhexe ee maalmahan shir dib u heshiin ah uu uga socdey magaaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaanu ka amababixin gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu mid mid u gacanqaadey Soomaali ku dhaawacantey qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo loo qaadey dalka Boqortooyada Sacuudiga si loogu soo daaweeyo.

Madaxweynaha oo ay hareer socdeen Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Cusmaan Maxamed Cabdi, ayaa gacanqaadka kadib waxaa uu dhaawaca ilaah uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Dhaawaca waxaa lagu qaadey laba diyaaradood oo bukaan-la –duul ah oo uu u dhan yahay qalabkooda caafimaad, ayna la socdaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad o ay dhammaantood soo dirtey Boqortooyada Sacuudiga.

-DHAMMAAD-
unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (2)

unnamed (1)

unnamed

IB0A4739

IB0A4731

IB0A4651

IB0A4635

IB0A4618

IB0A4614

IB0A4580 (1)

IB0A4587

IB0A4592

Previous Post

Jowhar oo howlgal amniga ah laga sameeyey

Next Post

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Next Post
Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In