Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya muhiim ayay u tahay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalkeena” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya muhiim ayay u tahay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalkeena” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abu Dhabi, 30 August 2015: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Madaxweynaha oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulankaasi kaga waramey xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Related posts

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba u fidiyo Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay kadib.

Labada dal ayaa kulankaasi ka caddeeyay inay xoojiyanaan iskaashigooda, sida dhinacyada maalgashiga, taageerada dib u dhiska, kaabeyasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley muhimadda in nabad laga dhaliyo dalalka Carbeed ee colaadaha ay ka jiraan.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey.

Kulankaasi ayaa ku soo idlaadey jawi is-afgarad leh.

20150830MH_C095213

20150830MH_C095222

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Hadliye Cumar : Annaga Danweyn ayaa noogu jirta dalka Yaman

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda: “Soomaaliya ma aha meel dambiilayaashu ku soo ordain”

Wasiir Hadliye Cumar : Annaga Danweyn ayaa noogu jirta dalka Yaman

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In