Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 10, 2016
in Wararka
0
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dalka Burundi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya,  waxa uu madaxweynaha ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Brundi, Alian Aime NYamitwe,  kulanka waxaa   joogey wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay salaan iyo dhambaal uuu   uga siday madaxweynaha dalka Burundi.
Waxaa aad looga hadlay doorka Ciidammada Burundi ee nabaddeynta Soomaaliya  ee howlgalka AMISOM, madaxweynaha ayaa uga mahadceliey wasiirka booqashadiisa  Soomaaliya iyo dhambaalka uu iga siday dhiggiisa dalkaasi.
Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa kulanka kaddib u sheegay SNTV in si weyn looga hadlay xiriirka labada dal  iyo in looga  mahadceliyo doorka ay ciidankooda AMISOM ka tirsan ka qaataan nabadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Burundi Alian Aime NYamitwe ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya  in uu ka turjumayo xiririka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka, waxaan si gaar ah uga  hadalnay ciidammada Burundi ee Soomaaliya jooga iyo  in dedaalkaasi uu sii socdo.
“madaxweynaha Soomaaliya ayaan la kulmay, aad ayaan ugu faraxsanahay, kulankeenna waxa uu ahaa mid muhiim ah oo aan uga hadalnay xiriirka labada dowladood ka dhaxeeya, si gaar ah waxaan isaga wareysanay ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, kulankaasi waxaan iskula garannay in aan sii wadno dedaalka aan nabadda Soomaaliya uga sii qeyb-qaadaneyno, maadaama aynu nahay waddamo walaal ah oo wadaagga dano badan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi Alian Aime NYamitwe.
Dawladda Burundi  ayaa ka mid ah wadamada ciidanka nabad ilaalinta  keenay Soomaaliya, ilaa haddana ka howlgalla,  dowladda Soomaaliya waxa ay dhankeeda muujisay sida ay uga xuntahay dhibaatooyinkii dalka Burundi ka dhacay ee dhanka siyaasadda la xiriiray.
Previous Post

Bannaanbaxyo looga horjeedo Donald Trump oo ka socda Dalka Mareykanka.

Next Post

Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Next Post
Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In