Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. F. S. oo Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha J. F. S. oo Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka codsaday in dalka laga qaado cuna-qabataynta hubka,si ay ciidamada xoogga ugu adkaadaan ururka Al-shabaab.

Xasan sheekh oo ayaa qudbaddii uu halkaasi ka jeediyay kusoo qaaday dhibaatooyinkii ka dhashay dowlad la’aanta oo ay weli raadadkooda muuqdaan,taasoo uu ku tilmaamay in lagaga bixi karo xoojinta ammaanta iyo nabadaynta dalka oo dhan.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Madaxweynaha oo si weyn ugu nuux-nuuxsaday tayaynta iyo dib u dhiska ciidamada difaaca qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada beesha caalamka ay u tahay mid muhiim,isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin wanaagsan oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda, waxaa uu xusay inay ka shaqeynayaan isku dhafka ciidamada qaranka.

Waxaa uu sheegay in afar guuto oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland lagu soo biiriyay ciidamada xoogga dalka,iyadoo la rajaynayo in bisha July ee soo socota in labo guuto kale lagu soo biiriyo,waxaana sidoo kale bisha soo socota lagu soo biirinayaa sida uu madaxweynuhu sheegay saddex kun oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sanaddii 1992-dii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabatayn xagga hubka ah, si loo xakameeyo fowdadii dalka ka taagnayd xilligaas,waxanay xayiraadda hubka oo laga qaado waqtigan ka dhigan tahay soo nooleynta tagadii ciidanka xoogga dalka maaddaama ay jirto dowlad dhexe oo aan ku meel ahayn.

Previous Post

Ragii la sheegay in ay ka Dambeeyay Dil xalay dad shacab ah loogu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Next Post

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Next Post
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In