Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. F. S. oo Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha J. F. S. oo Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka codsaday in dalka laga qaado cuna-qabataynta hubka,si ay ciidamada xoogga ugu adkaadaan ururka Al-shabaab.

Xasan sheekh oo ayaa qudbaddii uu halkaasi ka jeediyay kusoo qaaday dhibaatooyinkii ka dhashay dowlad la’aanta oo ay weli raadadkooda muuqdaan,taasoo uu ku tilmaamay in lagaga bixi karo xoojinta ammaanta iyo nabadaynta dalka oo dhan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Madaxweynaha oo si weyn ugu nuux-nuuxsaday tayaynta iyo dib u dhiska ciidamada difaaca qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada beesha caalamka ay u tahay mid muhiim,isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin wanaagsan oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda, waxaa uu xusay inay ka shaqeynayaan isku dhafka ciidamada qaranka.

Waxaa uu sheegay in afar guuto oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland lagu soo biiriyay ciidamada xoogga dalka,iyadoo la rajaynayo in bisha July ee soo socota in labo guuto kale lagu soo biiriyo,waxaana sidoo kale bisha soo socota lagu soo biirinayaa sida uu madaxweynuhu sheegay saddex kun oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sanaddii 1992-dii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabatayn xagga hubka ah, si loo xakameeyo fowdadii dalka ka taagnayd xilligaas,waxanay xayiraadda hubka oo laga qaado waqtigan ka dhigan tahay soo nooleynta tagadii ciidanka xoogga dalka maaddaama ay jirto dowlad dhexe oo aan ku meel ahayn.

Previous Post

Ragii la sheegay in ay ka Dambeeyay Dil xalay dad shacab ah loogu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Next Post

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Next Post
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis ku aaddan ganacsiga

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In