Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Johannesburg ku shir guddoomiyay kulan uu isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan waxaa ka soo qeybgaley hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Ethiopia, wakiillo ka socdey dalalka kale ee ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, Madaxa Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, Ismail Chergui, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , Maman Sidikou, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo diblomaasiyiin kale.

Related posts

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026

Kulankan oo gaar ka ah shir madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadal uu ka jeediyay waxaa u uga mahadceliyey waddamadaasi sida ay naftooda ugu hureen samatabixinta shacabka iyo dalka Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka warbixiyey xaaladda dalka, iyo baahida loo qabo in ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay yeeshaan iskaashi dhow iyo isku dubbarid wanaagsan dhanka hawlgalladooda.

“Waxaan ku sii siqeynaa sannadka 2016 oo aan dooneyno inuu waddankeena hore u sii dhaqaaqo, si taasi loogu najaxana waxaan dooneynaa inaan xorreyno qeybaha yar ee weli ku harsan gacanta cadowga, taasina waan ku guuleysan karnaa haddii aan mideyno awooddeenna dhan kasta. Al Shabaab dhibaato kuma hayso Soomaaliya oo keliya, balse waxay dhibaatadooda ku fidiyeen dalalka gobolka , waxaana la inooga fadhiyaa inaan dadaalkeena kordhino, degdegna aan uga sifeyno Soomaaliya iyo gobolka oo dhan’’, ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey muhiim inay tahay in waddamada gobolka ay iska kaashadaan dhanka xog is- weydaarsiga, isla markaana beesha caalamka ay labanlaabto taageerada dhinaca maaliyadda iyo saadka ee ay u baahan yihiin ciidammada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sidoo kalena sheegay in dalalkooda ay ka go’an tahay inay taageeraan Soomaaliya, si loo ciribtiro argagixisada, nabad waartana looga dhaliyo guud ahaan gobolka.

Dowladda Uganda ayaa iyana shirkaasi ka sheegtay diyaar inay u tahay inay ciidammo dheeri ah u soo dirto Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan hawlgallada muhiimka ah ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Tartan Sport oo loo qabtay maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar

Next Post

Dhageyso Warka Habeennmo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennmo Ee Radio Muqdisho

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In