Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Puntland iyo Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhawaan magaalada Abu Dhabi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland inay sida uu yahay u fuliyaan heshiiskaaas ku saabsan nabad waarta oo laga gaaro dagaallada dhaxmaray dadka walaalaha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026

“ Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed in ay ka shaqeeyaan sidii uu u dhaqan geli lahaa heshsiiska ay ku kala saxiixdeen Abu-Dhabi si mar dambe uusan u daadan dhiigga dadka waalaalaha ah ee k u nool degmada Gaalkacyo. Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay labadda dowlad Gobolleed ay ku garab istaagto in heshiiskaasi sida uu yahay u dhaqan galo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Isutaga Imaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Bin Zayed Al Nahyan iyo Dhaxal Sugaha Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan dedaaladii ay ka geysteen heshiiska lagu nabadeynayo Gaalkacyo ee ay gaareen Puntland iyo Galmudug. Madaxeynaha ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta sida walaltinimada ah ee ay uga qeyb qaadaty dib u dhiska, horumarka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in xirriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu yahay mid adag oo soo jireen ah, Soomaaliyana ay ka go’an tahay in xiriirkaas taariikhiga ah uu sii xoogeysto.

Previous Post

Ciidamada Puntland oo diyaargarow ugu jira sidii ay Daacish uga xoreyn lahaayeen Qandala

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In