Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Puntland iyo Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhawaan magaalada Abu Dhabi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland inay sida uu yahay u fuliyaan heshiiskaaas ku saabsan nabad waarta oo laga gaaro dagaallada dhaxmaray dadka walaalaha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“ Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed in ay ka shaqeeyaan sidii uu u dhaqan geli lahaa heshsiiska ay ku kala saxiixdeen Abu-Dhabi si mar dambe uusan u daadan dhiigga dadka waalaalaha ah ee k u nool degmada Gaalkacyo. Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay labadda dowlad Gobolleed ay ku garab istaagto in heshiiskaasi sida uu yahay u dhaqan galo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Isutaga Imaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Bin Zayed Al Nahyan iyo Dhaxal Sugaha Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan dedaaladii ay ka geysteen heshiiska lagu nabadeynayo Gaalkacyo ee ay gaareen Puntland iyo Galmudug. Madaxeynaha ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta sida walaltinimada ah ee ay uga qeyb qaadaty dib u dhiska, horumarka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in xirriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu yahay mid adag oo soo jireen ah, Soomaaliyana ay ka go’an tahay in xiriirkaas taariikhiga ah uu sii xoogeysto.

Previous Post

Ciidamada Puntland oo diyaargarow ugu jira sidii ay Daacish uga xoreyn lahaayeen Qandala

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In