Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka oo maanta dalka oo dhan ka bilowday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka oo maanta dalka oo dhan ka bilowday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Muqdisho, 16 November 2015: Wadatashiyada looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka ayaa maanta ka bilowday guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wadatashiyada ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, waxaana kulamadaasi midkiiba ka qeyb qaadan doona 150 qof oo gobolladaasi ka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay bilowga kulamadan wadatashiyada ah.

“Maanta waa maalin qiimo badan u leh horumarka Soomaaliya ee la doonayo in waddanka looga hirgeliyo dimoqraadiyad. Maanta shacabka Soomaaliyeed dhammaantood: haweenka, dhalinyarada, ganacsatada, odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada waxay isugu imanayaan inay ka wada tashadaan kana doodaan habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga sameyn karo hannaan awoodda siyaasadda ee dalka si nabdoon la isugu wareejin lahaa bisha September ee sannadka 2016-ka’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shacabka xusuusiyay mas’uuliyadda ka saaran in hannaankan socda uu najaxo.

“Hawshan ma ahan mid sahlan. Waqti ayay qaadan doonta, waxayna u baahan tahay go’aan adag. Waxaa hannaankan uu noqon doonaa mid daah-furan oo daacadnimo ku saleysan. Boqolaalka qof ee labada maalmood ee soo socda dalka gudihiisa isugu imaanaya waxaa saaran waajibaad culus oo ay ku kala xulanayaan noocyada doorasho ee waddanka ku habboon, iyagoo isla markaana dhiiban doona fikirkooda ku aaddan nooca doorasho ee waddankeena ku habboon sannadka 2016-ka’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Natiijada ka soo baxda hannaanka wadatashiga ee maanta bilowday ayaa waxaa la horgeyn doonaa Madasha Wadatashiga Qaran bisha December 2015-ka.

Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Baarlamanka Federaalka muddadooda afarta sanno ay ku eg tahay bilaha August iyo September ee sanandka 2016-ka.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Kooxo hubaysan oo Rasaaseeyay dad shacab ah oo ku sugnaa Agagaarka Jaamacaddii hore ee Gahayr

Next Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho "Sawirro"

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In