Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka oo maanta dalka oo dhan ka bilowday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 16, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay daah-furka kulamada madasha looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka oo maanta dalka oo dhan ka bilowday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Muqdisho, 16 November 2015: Wadatashiyada looga hadlayo hannaanka doorashada sannadka 2016-ka ayaa maanta ka bilowday guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wadatashiyada ayaa lagu qabanayaa magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, waxaana kulamadaasi midkiiba ka qeyb qaadan doona 150 qof oo gobolladaasi ka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay bilowga kulamadan wadatashiyada ah.

“Maanta waa maalin qiimo badan u leh horumarka Soomaaliya ee la doonayo in waddanka looga hirgeliyo dimoqraadiyad. Maanta shacabka Soomaaliyeed dhammaantood: haweenka, dhalinyarada, ganacsatada, odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada waxay isugu imanayaan inay ka wada tashadaan kana doodaan habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga sameyn karo hannaan awoodda siyaasadda ee dalka si nabdoon la isugu wareejin lahaa bisha September ee sannadka 2016-ka’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha shacabka xusuusiyay mas’uuliyadda ka saaran in hannaankan socda uu najaxo.

“Hawshan ma ahan mid sahlan. Waqti ayay qaadan doonta, waxayna u baahan tahay go’aan adag. Waxaa hannaankan uu noqon doonaa mid daah-furan oo daacadnimo ku saleysan. Boqolaalka qof ee labada maalmood ee soo socda dalka gudihiisa isugu imaanaya waxaa saaran waajibaad culus oo ay ku kala xulanayaan noocyada doorasho ee waddanka ku habboon, iyagoo isla markaana dhiiban doona fikirkooda ku aaddan nooca doorasho ee waddankeena ku habboon sannadka 2016-ka’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Natiijada ka soo baxda hannaanka wadatashiga ee maanta bilowday ayaa waxaa la horgeyn doonaa Madasha Wadatashiga Qaran bisha December 2015-ka.

Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Baarlamanka Federaalka muddadooda afarta sanno ay ku eg tahay bilaha August iyo September ee sanandka 2016-ka.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Kooxo hubaysan oo Rasaaseeyay dad shacab ah oo ku sugnaa Agagaarka Jaamacaddii hore ee Gahayr

Next Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho "Sawirro"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In