Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka Maamulka KMG ee Jubba

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado in uu furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 April 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhoweynayaa talaabada horey loo qaadey ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba. Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena’’.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqangelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Shirkadda FAVORI oo faah faahin ka bixiyay horumarka garoonka Aadan Cadde “DAAWO”

Next Post
Maamulka Shirkadda FAVORI oo faah faahin ka bixiyay horumarka garoonka Aadan Cadde “DAAWO”

Maamulka Shirkadda FAVORI oo faah faahin ka bixiyay horumarka garoonka Aadan Cadde "DAAWO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In