Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha”Doorashada dalka waxey dhaceysaa waqtigii loogu talo galay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulkaas iyada oo madaxweyne ku Xigeenna loo doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Hirshabeelle, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu si buuxda u dhammeystiray hirgelinta nidaamka Federaalka ay Soomaali qaadatay “dhammeystirka Maamulka Hirshabeelle, wuxuu dhammeystir u yahay hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka , waana tallaabo loo qaaday dhanka baahinta xukunka dalka”

Ugu dambentii , Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka cusub ee Hirshabeelle isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan madaxda maanta la doortay.

 

Previous Post

Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle+Sawirro

Next Post

R/wasaare Cumar oo Hambalyo u diray Hoggaanka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

Next Post
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

R/wasaare Cumar oo Hambalyo u diray Hoggaanka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In