Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi.

December 9, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa”

Next Post

In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro”

Next Post
In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro”

In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka...

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed,...

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

May 24, 2022
0

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

May 24, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In