Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

3 February, 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Soomaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

”Wan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya kugu soo dhoweyno. Dowladeyda diyaar ayay u tahay inay si buuxda kuula shaqeyso si aad waajibaadkaaga u gudato. Waxan filayaa inaad taageero badan naga siin doontaan adeegyada kala duwan ee ku burburey dagaaladii sokeeye”.

Danjire Zikovic oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dalkiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono adeegyada waxbarashada, beeraha, tababarka mihnadaha dhalinyarada, sayniska,caafimaadka iyo kuwo kale oo horumarineed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey danjiraha adeegyada Serbia ay dooneyso inay kala shaqeyso Soomaaliya , isagoo si gaar ah u xusey muhimadda tababarada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

”Muhimad balaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameyney laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena. Waa hubaal in haddii gacan balaaran la inaga siiyo dhinacyada mihnadaha iyo sayniska in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono waddanka”.

Munaasabadda uu madaxweynaha danjire Zikovic kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

DHAMMAAD

IB0A2492

IB0A2497

IB0A2499

IB0A2505

IB0A2507

IB0A2511

IB0A2516

IB0A2518

IB0A2526

IB0A2528

IB0A2529

IB0A2532

IB0A2533

IB0A2535

IB0A2538

IB0A2540

IB0A2545

IB0A2547

IB0A2549

IB0A2550

IB0A2555

IB0A2556

IB0A2559

IB0A2571

IB0A2578

IB0A2585

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Ciidanka Ilaalada Waddooyinka iyo Iskaashada Gaadiidleyda oo siminaar u furmay “SAWIRRO”

Next Post

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Next Post
Goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah ugu yaalla Waddada Maka Al-mukarama oo la bur buriyay “SAWIRRO”

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In