Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 3, 2015
in Wararka
0
Goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah ugu yaalla Waddada Maka Al-mukarama oo la bur buriyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir ayaa maanta howlo bur burin ah ku sameeyay guryo si sharci darro ah looga dhistay dhul uu iska lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo ay Maxkamaddu amartay in dib loogu celiyo dhulkiisa.

Howlahan bur burinta oo laga fuliyay dhul ka kooban 16 boos oo ay si sharci darro ay u deganaayeen qoysas, kuna yaalay Waaxda Tawakal ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka sameeyay ciidamada amniga dowladda, kuwaasi oo ku guuleystay in ay bur buriyaan dhismayaasha laga dhistay dhulka ay Maxkamadda u sharciyeysay muwaadinkii iska lahaa, kaddin markii guddiga qilaafaadka iyo Garsoorka ee Gobolka ay Maxkamadda horgeeyeen caddeymo muujinaya in muwaadinka uu dhulka isla leeyahay.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe ayaa sheegay in dadkii deganaa dhulkaasi horey loogu qabtay muddo 20 cisho ay in ay kaga guuraan, ayn ku ekeyd shalay oo Isniin ah, taasina ay keentay in ay maanta bilaabaahan howlaha lagu bur burinayo dhismoyaasha sharci darrada ah, isagoo warqadihii lahaanshiyaha dhulka ku wareejiyay wiil uu dhalay muwaadinkii dhulka iska lahaa.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inaysan jiri doonin cid si xoog ah looga haysan karo dhul uu iska leeyahay, isagoo ka digay in si sharci darro ah lagu dhisto dhulal ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
Wiil uu dhalay Muwaadinkii iska lahaa dhulka dib loogu celiyay oo hadal kooban Warbaahinta Qaranka siiyay ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka iyo kan degmada sida ay dib ugu soo celiyeen dhulkii ay sida sahrciga ah ku leeyihiin oo muddo si sharci darro ah looga haystay.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii la soo dhaafay waday in uu dib hantida ma guurta ah ugu celiyo muwaadiniintii iska lahaa, kaddib markii guddiga qilaafaadka iyo Garsoorka ee Gobolka uu arrimahaasi xaliyay.

Previous Post

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post
Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray "SAWIRRO"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In