Wednesday, February 8, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 3, 2015
in Wararka
0
Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay kobcinta dhaqaalaha caasimadda, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulan oo ay ka qeyb galeen Madaxda Jaamacadaha Gobolka Benaadir, ganacsato, ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale ayaa diirada lagu saaray dhisidda Madasha kobcinta dhaqaalaha gudaha oo ay iska kaashanaya Hay’adda ILO iyo madashan, kaasi oo isku xiraya ganacsatada, ururrada bulshada rayidka iyo dowladda Hoose Xamar.

Related posts

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023

Cabdiqaadir Muxudiin Axmed oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Madashan ay ka koobantahay saddex qeyb oo kala ah bulshada rayidka, ganacsto iyo dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana uu yahay mid lagu soo nooleeynayo kabayaashii dhaqaalaha ee dalka.

Hormuudka Jaamcadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ka mid ah ahaa mas’uuliyiintii Jaamcadaha ee kulanka lagu casuumay ayaa sheegay in tani ay gogol xaar u noqon doonto dhaqaalaha maxaliga ah ee dalka, isla markaana horseedeyso in la gaaro horumar dhanka dhaqaalaha ah.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka Benaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in madashan ay u furantahay dhamaan ganacsatada Gobolka Benaadir.

“Dowladda Hoose ee Xamar, canshuur ayuu qaadaa, adeegna wuu ku qabtaa, in dadku ay talo ku yeeshaan waxkasta oo la qabanayo iyo kobcinta dhaqaalaha waa mid muhiim ah, marka waxaan u mahadcelinayaa hay’adda ILO iyo dadkii isku howlay in la sameeyo madal ay bulshada kaga kobcin karaan dhaqaalaha gudaha” ayuu yiri Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.

Madasha kobcinta dhaqaalaha gudaha ayaa ah mid laga isticmaalo wadamada dhaqaalahooda soo koraya, waxaana dadkii ka hadlay ay tilmaameen inay tahay mid lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

DSC_0021

DSCF1984

DSCF1994

DSCF1998

DSCF2012

DSCF2022

DSCF2037

DSCF2044

DSCF2045

DSCF2054

Sawir Qaade:- Jabiiba

Previous Post

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Next Post

Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Next Post
Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
0

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan Khawaarijta...

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023
0

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta...

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

February 7, 2023
0

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad...

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

February 7, 2023
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in dhulgariirkii ku dhuftay dalkiisa uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In