Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo wrqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo wrqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Waa safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingiriiska danjire David William Concar, waxaana looga guddoomay xafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriiska ayaa wada qaatay kulan,  waxa ay ka hadleen xiriirka labada dowladooda iyo  sii amba-qaadidda wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay taageerada Ingiriiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey dowladda UK arrimahaasi.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Soomaaliyo iyo Ingiriiska uu ka dhaxeeyo xiriir weyn oo dhan walba leh, isla markaana ay hadda sii wadi doonaan iskaashiga ku saleysan diblomaasiyadda iyo taageerada looga baahan yahay.

David William Concar Safiirka cusub ee dowladda Britain ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha ay isku soo qaadeen in si dhab ah loo xoojiyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, dhowaanna la qaban doono shir looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya.

“Maanta, waxaa la iga guddoomay anigoo ah safiirka UK ee Soomaaliya warqadaha, taasna waxa ay daliil u tahay taageerada ballaaran ee aan Soomaaliya u heynno,

Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay  amniga iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo, waxaa xusid mudan in la aan si qiiro leh uga hadalnay madaxwyenaha abaaraha ka jira Soomaaliya oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, taasna waan ka wada shaqeyn doonnaa, waxaa jira shir weyn oo siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona bisha May magaalada London, wax badan ayuu tari doona shirkaas, Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar weyn oo aan ku wada faraxsanahay” ayuu yiri safiirka dowladda Ingariiska ee Soomaaliya David William Concar.

Soomaaliya iyo Ingariiska taariikh fog ayaa ka dhaxeysa, waxaana muuqda hadda ay dowladda Ingariisku waddo dedaallo ay uga qeyb-qaadeyso horumarka iyo dhismaha Soomaaliyada cusub.

0J1A6747 0J1A6756 0J1A6769 0J1A6772 0J1A6780 0J1A6784 0J1A6785 0J1A6794 0J1A6881

Previous Post

Madaxweynah oo la kulmay safiirrada dalalka ku jira howlgalka AMISOM-Sawirro

Next Post

Talyaaniga oo Dawo ugu deeqay isbitalka Martiini+Sawirro

Next Post
Talyaaniga oo Dawo ugu deeqay isbitalka Martiini+Sawirro

Talyaaniga oo Dawo ugu deeqay isbitalka Martiini+Sawirro

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In