Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Qardho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Wefdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay Maamulka magaalada Qardho, shacab aad u tirabadan oo u diyaarsanaa soo dhoweynta wafdiga, ardayda magaalada Qardho, isimo, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad ka jeediyey barxadda magaalada Qardho, waxaana uu mahad balaaran u celiyey shacabka iyo mas’uuliyiinta ee soo dhoweeyey isaga iyo wefdigii la socday.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta markii ugu horaysey imaado Qardho, Allena inoo fududeeyo balantii aan wada-galnay taasi oo ahayd ‘Alle waxaan ka rajaynayaa anoo Madaxweyne ah inaan idiin soo noqdo’ Eebbe waan uga mahadcelinaynaa guushaasi, waxa aan u rabneyna waxay ahayd oo aan u balanay inaan nabadgelyada ka wada-shaqayno, xasiloonida inaan ka wada-shaqayno iyo horumarka”.

“Waxaan rajaynayaa reer Qardho iyo reer Puntland oo dhan inay u diyaar garoobaan sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda, isku tashadaan, horumarkiisa ka shaqeeyaan, cadawga ka xun wadajirkoodana ay u midoobaan dadka reer Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay iska dayaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarkooda, una hogaansanaadaan xogta xaqiiqda ah ee lagu horumarinayo dalka,  isagoo shacabka Puntland u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Warar badan baa la sheegayaa wax sugan ma aha ee hadda wixii ka danbeeya warka dowladda uun dhegaysta, ololihii doorashada waa dhammaaday sidaas xaqiiqsada, sidaasi darteed hooska tuurka aan micnaha badnayn wakhtiga yuu inaga qaadin, inaan hore u soconaan u baahanahay, waxaad kaloo u diyaar garawdaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo qof walba uu ka qaybgelaayo” Ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

=DHAMMAAD =

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Xukuumadda ugu baaqay inay soo gudbiso Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Next Post

Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka “SAWIRRO”

Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle oo dardar ku billawday qabsoomidda shirarka Tubaha Qaranka "SAWIRRO"

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In