Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha Puntland oo booqday dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkii Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 14, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo booqday dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkii Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dr Cabdiweli waxaa booqashada ku wehliyey mas’uuliyiin kamid ah golayaasha Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacyo Medical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacyo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa intaasi kadib kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka gudiga dib u dhiska Cusbitaalka Guud ee Gaalkacyo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada cubitaalka Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaareen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale waxaana uu cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

IMG_9680  IMG_9673 IMG_9672 IMG_9669   IMG_9663 IMG_9655  IMG_9640 IMG_9633 IMG_9631 IMG_9624 IMG_9621 IMG_9615 IMG_9613 IMG_9610 IMG_9603 IMG_9585  IMG_9567 IMG_9558 IMG_9556 IMG_9549 IMG_9546 IMG_9544 IMG_9543 IMG_9537 IMG_9534 IMG_9531 IMG_9526 IMG_9511 IMG_9509 IMG_9501 IMG_9493 IMG_9486 IMG_9485  IMG_9477 IMG_9463 IMG_9459 IMG_9457 IMG_9444 IMG_9441 IMG_9427 IMG_9419  IMG_9399 IMG_9388 IMG_9387  IMG_9380 IMG_9378 IMG_9376  IMG_9374 IMG_9372 IMG_9369 IMG_9367 IMG_9366

 

Previous Post

Bulshada Gobollada Waqooyi oo ka qayb qaadanaya doorashooyinka Dalka Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar...

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

July 9, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin oo ku sugan Geneva, Switzerland, ayaa ka qeybgalay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In