Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Hab Muuqaal ah Ku Shir-guddoomiyey Kulanka Guddiga Diyaar-garowga  iyo Ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland Oo Hab Muuqaal ah Ku Shir-guddoomiyey Kulanka Guddiga Diyaar-garowga  iyo Ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar-garowga iyo ka hortagga COVID-19, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Shir-guddoomiyey kulanka Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Coronavirus.

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, ayaa Shirkan ku-guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah, iyadoo Guddi hoosaadkasta oo Guddiga ka mid ah muuqaal-wicitaanka kasoo galeen Xarumaha Wasaaradaha Caafimaadka, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Guddiga oo u kala qeybsan Wacygelinta, Amniga, Maaliyadda iyo Maciishada ayaa warbixin ka siiyey Madaxweynaha Puntland shaqooyinka qabsoomay iyo sida ay u socoto diyaar-garowga iyo ka hortagga ee cudarka COVID-19.

“Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga  iyo ka hortagga COVID-19, Waan bogaadinaya illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa ku daray “Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan”.

Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri “Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka”.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay in muddo kordhin Bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14-cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajida lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka.

Previous Post

Xildhibaan Dalxa iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galay aaska Marxuum Cumar Shooli

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka oo war ka soo saartay askar lagu eedeeyay fal kufsi

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka oo war ka soo saartay askar lagu eedeeyay fal kufsi

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In