Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyadeeyay askar qarax ku geeriyootay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland mudane Cabdullaahi Siciid Deni ayaa shacabka iyo Maamulka uga tacsiyadeeyay geerida askar ku dhimatay qarax lala eegtay kolonyo galbineysay isaga oo u socday magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.

“Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada, kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso, waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda, Alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu ka siiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna Alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Related posts

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada ay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladnimada, nabadda iyo horumarka deegannada Puntland, isla markaana weerarada noocaas oo kale ahna aysan Puntland u hakaneynin, isagoo intaa ku daray in Cadowga iyo kuwa la midka ka ah ee ku lugta leh falal argagixisonimada sharciga la marsiin doono.

Previous Post

Guddiga Abaaraha ee Wasaaradda Gargaarka oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay deeq

Next Post

Xuska Qorista Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Qorista Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska Qorista Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

Safiirka Aan Joogtada Ahayn ee Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Belarus

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Belarus):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, isla markaana ah safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u qaabilsan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In