Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen,  si ay mustaqbalka dhaw ugu  faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen   dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026

dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday  aqoon leh dhisan oo karti leh.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga  Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar " Gen Khaalid" oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la...

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In