Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen,  si ay mustaqbalka dhaw ugu  faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen   dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday  aqoon leh dhisan oo karti leh.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga  Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

DAAWO SAWIRRADA:- Sida Looga Ciiday Bariga Bariga Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In