Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Dr Cabdiweli ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, waxaana uu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha deegaanka Degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.

Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay golaha cusub ee deegaanka Degmada Boosaaso ayaa ku booriyey inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.

“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub ee magaalada Boosaaso, waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumadda ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland  ayaa kormeerkiisa ku tegay xarunta Gobolka Barri ee magaalada Boosaaso isla markaana kormeeray xafiisyada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoo uu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.

Ugu danbey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla marahaantaana sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.

 -DHAMMAAD-

Previous Post

Guddigii Aqalka sare u diray Galmudug oo maanta wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Next Post

Wasiir Cawad oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Cawad oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka “SAWIRRO”

Wasiir Cawad oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In