Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

M.weynaha Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
M.weynaha Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta ku soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wafti Ballaadhan oo heer Caalami ah oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyada oo maalinta berito ahna lafilayo in ay Puntland soo gaadhaan Danjirayaal  kale oo ka kala socda waddamada Soomaaliya daneeya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka waftigu uu ku qotomo siday  u arki lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa imaatinka waftiga ee Puntland ku tilmaamay fursad wanaagsan oo ay Beesha Caalamku siisay Puntland isla markaasna uu rajaynayo shirka furmi doona in ay kasoo bixi doonaan wax ummadda Soomaaliyeed oo dhan dani ugu jirto.

“waan ku faraxsanahay runtii intaas oo danjire in ay noo yimaadaan, dareenkayagana ay ogaadaan, shacbigayagana ay dhegeysataan waa fursad aad u wanaagsan oo beesha Caalamku ay siisay Puntland, waana soo dhoweynayaa, waxaana rajeynaya in wada hadalku guul ku dhammaado wax wanaagsan oo ummadda reer Puntland iyo guud ahaan soomaaliyaba dani ugu jirtona uu kasoo boxo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Shirka ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaan si dhab ah loogu lafa guri doono go’aanka Puntland ee doorashooyinka 2016-ka iyo qaabkii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka ah uu dalka Soomaaliya ku jiro.

—DHAMMAAD—

IMG_3081 IMG_3085 IMG_3091 IMG_3098 IMG_3106 IMG_3114 IMG_3117 IMG_3118 IMG_3129 IMG_3131 IMG_3133 IMG_3135 IMG_3137 IMG_3149 IMG_3155 IMG_3165

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo M.weynaha Gal-Mugu oo Wadajir U Dhagax Dhigay Dekadda Hobyo+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In