Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

M.weynaha Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 9, 2016
in Wararka
0
M.weynaha Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Beesha Caalamka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta ku soo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wafti Ballaadhan oo heer Caalami ah oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyada oo maalinta berito ahna lafilayo in ay Puntland soo gaadhaan Danjirayaal  kale oo ka kala socda waddamada Soomaaliya daneeya.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka waftigu uu ku qotomo siday  u arki lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa imaatinka waftiga ee Puntland ku tilmaamay fursad wanaagsan oo ay Beesha Caalamku siisay Puntland isla markaasna uu rajaynayo shirka furmi doona in ay kasoo bixi doonaan wax ummadda Soomaaliyeed oo dhan dani ugu jirto.

“waan ku faraxsanahay runtii intaas oo danjire in ay noo yimaadaan, dareenkayagana ay ogaadaan, shacbigayagana ay dhegeysataan waa fursad aad u wanaagsan oo beesha Caalamku ay siisay Puntland, waana soo dhoweynayaa, waxaana rajeynaya in wada hadalku guul ku dhammaado wax wanaagsan oo ummadda reer Puntland iyo guud ahaan soomaaliyaba dani ugu jirtona uu kasoo boxo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Shirka ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaan si dhab ah loogu lafa guri doono go’aanka Puntland ee doorashooyinka 2016-ka iyo qaabkii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka ah uu dalka Soomaaliya ku jiro.

—DHAMMAAD—

IMG_3081 IMG_3085 IMG_3091 IMG_3098 IMG_3106 IMG_3114 IMG_3117 IMG_3118 IMG_3129 IMG_3131 IMG_3133 IMG_3135 IMG_3137 IMG_3149 IMG_3155 IMG_3165

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo M.weynaha Gal-Mugu oo Wadajir U Dhagax Dhigay Dekadda Hobyo+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta Iyo Duqa Magaalada Oo Ka Qeybgalay Dabaal Degga Aas Aaska Radio Kulmiye "SAWIRRO"

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In