Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Turkiga-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Turkiga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan oo kadhacay xarunta safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxweynaha iyo danjire Oglan Bekar kaga wadahadleen arrimo la xiriira xoojinta iyo sidii qeyb ugu yeelan lahaayeen mashaariicda Dawladda Turkiga ay ka wado Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa danjiraha Dawladda Turkiga uga xog waramay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu tibaaxay inay muhiim tahay in laga arrinsado sidii looga wadda qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen, geesta kale madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka mashaariicaha horumarineed ee ay Dawladda Turkigu ka filiso Puntland iyo sidii loo sii horumarinlahaa loona dardar gelin lahaa.

Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xidhiidhka labadda Dhinac.

Dhinaca kale Mr. Oglan Bekar  ayaa cadeeyey inay Gacan ka gaysan doonaan gurmadka abaareed ee lagu caawinayo dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, sidoo kale danjiraha ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin horumarinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliyaan deegaanada maamulka  Puntland.

Ugu danbayn, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii dawladda Puntland iyo shacabkeedu beesha caalanka ula yeelan lahaayeen xidhiidh suurto geliya horumarinta danaha shacabka iyo kan dawladda.

IMG_1034 IMG_1056 IMG_1058 IMG_1061 IMG_1068 IMG_1072 IMG_1097 IMG_1109 IMG_1115

Previous Post

Baarlamaanka oo soo saaray lacagaha laga doonayo musharaxiinta

Next Post

Xaalad abaareed iyo biyo la’aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Next Post
Xaalad abaareed iyo biyo la’aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Xaalad abaareed iyo biyo la'aan ayaa ka jira deegaano hoos yimaada magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In