Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo maanta furey Mashruuca ka soo kabashada isbedel Cilmilada Soomaaliya”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo maanta furey Mashruuca ka soo kabashada isbedel Cilmilada Soomaaliya”sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19-1-2015 daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya.

Shirweynahakani lagu daah furayey mashruucani oo ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiiro katirsan maamulka Puntland, masuuliyiin ka socday Hay’adaha ka howlgala gudaha Puntland, wafdi ka socday maamulka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland qeybtood iyo marti sharaf kala duwan oo ka socday bulshada rayidka ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madashii shirweynaha ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in maanta uu daah-furay Mashruuca Latacaalidda iyo kasoo Kabashada Isbedelka Cimilada Soomaaliya.

‘Maamulka puntland si qoto dheer ayey ula socotaa in cimilada isbadalaysa ay tahay mid kamid ah khataraha daran ee soo wajahay dunida, khatartani ma’ahan mid dhib ku ah deegaanka oo keliya, laakiin waxaa ay helis ku tahay amniga qaranka, amniga dunida, dhaqaalaha iyo saboolnimada dunida ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ku baaqay in la garwaaqsado in bur-burka deegaanadeena iyo intifaacsiga xad dhaafka ah ee kheyraadka deegaanka, dhuxulshidista, dhir jarista iyo weliba ugaarsiga sharci darada ahi ay dhammaan ka qeyb qaataan doorsoonka xaaladda cimilo ee guud ahaan dunida.

” Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Hay’addaha madasha jooga iyo bulsho weynta Puntland iyo Soomaaliyaba in ay laban-laabaan dadaalkooda ku aadan gudbinta fariinta isbedelka cimilada ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego GEF, UNDP iyo maamulka Federaalka Soomaaliya inaanu ku faraxsanahay in aanu helno mashruucii ugu horeeyey ee ku aadan isbedelka cimilada, baahina loo qabo in la soo balaariyo fikradaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in maamulka Puntland ay ka go’antahay in si buuxda ay uga qeyb qaadato arrimaha waxkaqabashada isbedelka cimilada iyo maareynta deegaanka Soomaaliya.
IMG_0663

IMG_0665

IMG_0674

IMG_0675

IMG_0679

IMG_0687

IMG_0693

IMG_0698

IMG_0710

IMG_0711

IMG_0719

IMG_0731

IMG_0735

IMG_0737

IMG_0740

IMG_0743

IMG_0750

IMG_0751

IMG_0752

IMG_0771

IMG_0792

IMG_0796

IMG_0798

Previous Post

Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Next Post

DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

Next Post
DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad  Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In