Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa u qorned sidatan:-
- Markuu arkay: Dastuurka Dowlad goboleed Puntland Qodobkiisa 80-aad.
- Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.
- Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal
Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.