Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka Jaray Isbitaalka National oo Dhowaan Laga Hirgeliyey Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka Jaray Isbitaalka National oo Dhowaan Laga Hirgeliyey Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa maanta  28 February 2017 xadhiga ka jaray Cisbitaalka ‘’National Hospital’’ oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso.

Kadib markii Dr Cabdiweli uu xariga ka jaray Cisbitaalka ayaa waxaa uu soo kormeeray qayba uu ka kooban yahay, halkaas oo isbitaalka laga dheehanayey qalab casri ah iyo shaqaale u carbisan takhasus-kooda aqooneed isla markaana waxbadan bulshadooda uga faa’iidayn doona aqoonta ay leeyihiin.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cisbitaalku uu yahay mid wax weyn katari doona baahiyaha bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland maadaama ay joogaan shaqaale aqoon u leh shaqadooda, isagoo tilmaamay in shaqaalaha gacanta ku haya Cisbitaalka ay yihiin dhallinyaro dalka dibadiisa wax kusoo bartay dalkoodana ugu soo laabtay sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen bulshadooda.

Dhinaca kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey maamulka Cisbitaalka in la horumariyo lana tayeeyo shaqalihiisa ka hawla gala, isla markaana si hagrasho la’aan ah loogu adeego bulshadda.

Maamulka degmada Boosaaso, waxgaradka iyo aqoon yahanka ka hadlay munaasibada xadhig jarka Cisbitaalka ayaa dhankooda wax lagu farxo ku tilmaamay hirgelinta isbitaal tayo leh oo ay ka shaqaynayaan dhalinyaro xirfadle isla markaana diyaar u ah inay u adeegaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ku booriyey in la garab istaagto Cisbitaalka welibana lagu taageero wax kasta oo dawladda dhankeeda ay uga baahdaan maamulka cisbitaalku “National Hospital”

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo” Abaaraha ka Jira Dalka Waa Musiibo Qaran oo u Baahan Gargaar Deg-deg Ah” SAWIRRO

Next Post
Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo” Abaaraha ka Jira Dalka Waa Musiibo Qaran oo u Baahan Gargaar Deg-deg Ah” SAWIRRO

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In