Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Masaajid laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Masaajid laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimce ah 31 March 2017 xariga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.

Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya,  ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in Alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo deegaanada Maamulka Puntland.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Sheekh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhismaha masaajidka, waxaana uu Alle uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

Sidoo kale waxa uu Dr Cabdiwelo kula dardaarmay  isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan ka warhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.

“Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saaran tahay, ujeeddada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha Madaxtooyada ku jirta,  markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ka baryay in ummadiisa uu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele Raxmadiisa.

  

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo ka socda Waaxyaha degmada Hiliwaa “SAWIRRO”

Next Post

Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Benaadir Zone oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Next Post
Qaxootiga reer Yemen iyo qoysas kale oo loo qeybiyay raashin

Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Benaadir Zone oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In