Madaxweynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad uu diyaar u yahay inuu wadahadal la sameeyo qaar ka mid ah kooxda mucaaridka ah ee ka soo horjeeda.
Vladimir Putin ayaa hadalkan ka sheegay shirweyne ka dhacay magaalada Sochi ee dalkaasi Ruushka oo looga hadlay xallinta dagaallada waaweyn ee ka dhaca waddamo ka tirsan caalamka.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay Bashar Al Asad uu ahaa mid muhiim ah, isagoo xusay in Bishaar Al Asad uu diyaar u yahay wadahadal ay xukuumaddiisu la yeelato qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa xusay inuu hadda ka baaraan degayo habka ugu habboon ee lagu billaabi karo wadahadal dhexmara dowladda iyo mucaaradka Siriya, walow uu sheegay in xal u helidda dagaalka Siiriya uu yahay mid u baahan dadal wadajir ah oo caalamku sameeyo.