Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Ruushka oo lagu Eedeeyay Summeyn

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Ruushka oo lagu Eedeeyay Summeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaakim British ah, ayaa khamiista (1/21/2016) sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ansixiyey qorshe lagu sumeeyey Alexander Litvinenko, oo ahaa jaajuus ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Russia ee KGB.

Litvinenko ayaa geeriyooday 10 sano ka hor kadib markii uu cabay koob shaah ah, oo xaakim Robert Owen u sheegay in loogu daray sun.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxa yar kahor inta uusan geeriyoon, ayaa Litvinenko isaga oo saaran sariirtii uu ku naf baxay, waxa uu ku eedeeyey Putin inuu bixiyey amarka lagu khaarijiyey.

Warbixin muddo la sugayey oo uu soo saaray, ayuu Owen ku sheegay in Dmitry Kovtun iyo Andrei Lugovoi oo ka tirsanaa KGB-da, ay fuliyeen dilka oo ay maleegtay hay’adda FSB ee Ruushka, oo ah hay’adda beddeshay KGB.

Labada nin ayaa waxa ay qirteen inay Litvinenko kula kulmeen magaalada London dhowr goor, oo ay ku jirto marka la tuhunsan yahay in sumeyntu ay dhacday, hase yeeshee waxa ay beeniyeen inay ku lug lahaayeen geeridiisa.

Russia waxa ay diiday inay labadaas nin usoo masaafuriso Britain, si loo maxkamadeeyo.

Litvinenko, ayaa noqday nin aan hadalka la gabban oo dhaleeceeyey Putin, kahor inta uusan kasoo cararin Russia sanadii 2000, oo uusan usoo guurin London.

Previous Post

Al Shabaab lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Next Post

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Next Post
Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In