Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Shacabka reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ha ka faa’iideystaan fursadda barnaamijka baahinta xukunka” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ”Shacabka reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ha ka faa’iideystaan fursadda barnaamijka baahinta xukunka” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,oo si rasmi ah uga furey magaalada Jowhar shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Maamul u sameynta labadan gobol ayaa qeyb ka ah barnaamijka baahinta xukunka ee nidaamka federaalka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee shacabka labada gobol sida ay ugu guuleysteen inay isugu yimaaadaan madashan muhiimka ah.

“Maanta waa maalin weyn oo muhiim ah. Waxaad hesheen fursad aad ku go’aamineysaan mustaqbalka labadan gobol. Waxaa uu Ilaahay idin ku maneystey kheyraad badan oo kala duwan. Waxaa la idin ka doonayaa inaad heshaan hoggaamiyeyaashii kheyraadkaasi shacabka uga faa’iideyn lahaa., isla markaana shaqeeya haqabtirka baahiyada kala duwan ee aad qabtaan. Waxaan idin kula dardaarmayaa si aad horumar u gaartaan inaad soo doorataan dadka aad is leedihiin waa dad daacad ah, aqoon leh, karti iyo caddaaladna isku darsadey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

isagoo ka hadlayey maqaamka uu yeelan doono gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in laga shaqeyn doono sidii arrimahaasi xal loogu heli lahaa iyadoo la raacayo dastuurka dalka u degsan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatey uu yahay mid shacabku ay doorteen si maamulka iyo fidinta adeegyada loo baahiyo, isla markaana doorka dowladda dhexe oo ah tan isku xirta dalka uu sii jiri doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadley arrinta Somaliland oo uu sheegay inaan laga daali doonin xal u raadinteeda, isla markaana uu aaminsan yahay inay Soomaaliya noqoto dal ku mideysan nidaamka dimoqraadiyadda oo dhowraya xuquuqda muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ka hor waxaa munaasabadda furitaanka shirka hadalo ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka KMG ee Jubba , Cabdulqaadir Maxamed Luga Dheere, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.

—- DHAMMAAD——

1 7 45 98 unnamed

Previous Post

Dawo Sawirada:- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Maalintii Labaad Turkiga Kulan Kula Leh Saraakiisha Ciidamada

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beri Kismaayo ka furaya Madasha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beri Kismaayo ka furaya Madasha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beri Kismaayo ka furaya Madasha Wadatashiga Qaranka

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In