Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beri Kismaayo ka furaya Madasha Wadatashiga Qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 13, 2016
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo beri Kismaayo ka furaya Madasha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 13 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, halkaas oo uu beri ka furi doono Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono qaabka doorasho ee ku habboon waddanka.

Shirka Madasha Wadatashiga ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Cabdiweli Maxamed cali Gaas, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka, Mahad Cawad Cabdalla iyo madax kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Shirkan ayaa la filayaa in madaxda iyo ka qeybgaleyaasha kale ay isku dhaafsadaan aaraa la xiriira Hiigsiga 2016-ka oo barnaamijka ugu weyn uu yahay kan siyaasadda iyo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam , xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Madaxweynaha: ”Shacabka reer Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ha ka faa’iideystaan fursadda barnaamijka baahinta xukunka” “Sawirro”

Next Post

War saxaafadeed – soo dhoweyn sharaxidda Mr. Stephen Michael Schwartz-

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool

War saxaafadeed - soo dhoweyn sharaxidda Mr. Stephen Michael Schwartz-

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In