Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta oo maanta ka furmey magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Ethiopia.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Ban Ki Moon.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadley arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in muhimada koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafyadoda dhinaca horumarka oo dhameystiran.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

‘’Waa inaan isla meel dhignaa hadafyo la fulin karo , kuwaas oo si tartiib tartiib ah qeyb uga qaadan kara ciribtirka fakhriga. Waa inaan dadaalkeena isugu geynaa sidaan u dhisi lahayn hay’adaheena kala duwan, lana yareeyaa colaadaha, waayo taasi waxay inaga saacideysaa in carruurteena ay waxbarasho fiican helaan, in shacabku helo biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee asaasiga ah’’ ayuu khudbaddiisa ku xusey Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayey baahida dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo mashaariicda kala duwan ee horumarka caalamka, ayaa tusaale u soo qaatey iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee Cahdiga Cusub (New Deal Compact), kaas oo qeexaya waddada iyo qaabka loo marayo dib u soo kabashada Soomaaliya, colaaadda kadib.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in iyadoo la tixraacayo barnaamijkaasi, Soomaaliya loo balanqaadey lacag dhan laba bilyan oo dollar oo dhinaca horumarinta lagu bixinayo.

“Waxaan qaadney talaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo inaan si khaldan loo isticmaalin lacagaha loogu talagaley horumarka dalka ee barnaamijkaasi uu dhigayo, iyo dib u qaabeyn lagu sameeyay hay’adaheena maaliyadda, inagoo filayney in beesha caalamka ay ku qanci doonto, taageerada aan dooneynana ay ina siin doonaan, sida aan anaga u rabno, balse taasi ma dhicin. Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Cahdiga Cusub ama New Deal uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in waddamada ka soo kabanaya colaadaha il gaar ah lagu eego.

‘’Waxan taasi raacin lahaa inay habboon tahay inaan maanka ku hayno in qaar ka mid ah dalalka ay colaaduhu saameeyeen aysan haysan kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adahooda dowligana ay yihiin kuwo liita, sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo taageerada maaliyadeed, si isbeddelo horumar keeni kara loo abuuro.Kaalmada la siinayana waa inay ku jirtaa mid farsamo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ee dhismaha kaabeyaasha ee uu maamulayo Baanka Adduunka, iyo weliba qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadley iskaashiga waddamada soo koraya, qaabeynta iyo nidaaminta xawaaladaha, iyo isagoo caalamka xusuusiyey muhimadda ay leedahay in laga dhabeeyo balanqaadyada ku aaddan dhanka horumarinta ee hay’adaha iyo dowladuhuba ay sameynayaan.

65 76 87 334 544

Previous Post

Soomaaliya oo gudbisay dacwadda ka dhanka ah Kenya

Next Post

wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”

Next Post
wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”

wasiir ku xigeenka Maaliyadda; "Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa"

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In