Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha: “Soomaaliya horey ayay u dhaqaaqdey, dibna uma laabanmeyso’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha: “Soomaaliya horey ayay u dhaqaaqdey, dibna uma laabanmeyso’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamed (1)

Muqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu maamusayey maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya labada dhinac uu yahay mid qota dheer oo soo bilowday tan iyo markii ay Soomaaliya xornimadeedii qaadatey, ilaa waqtigan la joogana uu xooggan yahay.

“Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada Soomaaliya, ha noqoto dhanka dib u dhiska dalka, amniga iyo mashaariicda horumarinta. Inagoo taageeradaas ka faa’ideysaneyna ayaan waxaan ku tallaabsaney guulo la taaban karo. Soomaaliya horay ayay u dhaqaaqdey, umana joogsaneyso cadowga argagixisada ee doonaya inay dib inoo celiyaan’’.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay dagaalo ba’an u hayaan ku Al Shabaab, isla markaana kooxdaasi argagixisada ay meesha ka sii wadaan weeraradoodii naf la caariga ahaa, iyagoo saaka weerar fulaynimo ah oo ay soo qaadeen ay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa ciidammada booliska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka, loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan fursaddaasi, siiba dhinacyada siyaasadda iyo horumarka.

“Waxaan Midowga Yurub iyo beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiyaan sidii xarumo dhinaca mihnadaha loogu abuuri lahaa dhalinyaradeena si ay xirfado shaqo uga bartaan. Dhalinyaradeena waa inaan ka soo weecinaa Al Shabaab, isla markaana tusnaa inay jiraan fursado wanaagsan oo nololeed oo aan wax xiriir ah la lahayn xagjirnimada’’.
Waxaa uu dambeyn Madaxweynaha uga mahadceliyay Midowga Yurub dadaalkooda dhinaca la dagaalanka burcad badeedka, badbaadinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka, iyo taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya u fidinayaan.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha caddeeyay inay jiraan wadahadalo u socda Soomaaliya iyo Talyaaniga kuna aaddan sidii dhalinyarada tahriibka ku gashey Talyaaniga dib ay si khiyaari ah ugu soo laaban lahaayeen waddanka, looguna abuuri lahaa fursado nololeed oo wanaagsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sidoo kale booqday dhulka cusub ee laga dhisayo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Munaabadda waxaa sidoo kale ka hadley Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso.

2 3 4 5 6 7 unnamed (1)

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle

Next Post

Wasaaradda arrimaha gudaha “Bil gudaheed ayaa lagu soo geba gebaynayaa shirka Jowhar” “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda arrimaha gudaha “Bil gudaheed ayaa lagu soo geba gebaynayaa shirka Jowhar” “Sawirro”

Wasaaradda arrimaha gudaha "Bil gudaheed ayaa lagu soo geba gebaynayaa shirka Jowhar" "Sawirro"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In