Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane  Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi isla markaana ah ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadanka isu tagga imaaraadka  Carabta ayaa la kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay wadankaas.

Kulanka ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac oo arimaha  badan taabanaya, iyadoo sidoo kale ay isla soo qaadeen kor u qaadida iskaashiga ganacsiga,horumarinta, siyaasadda iyo amniga.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sida dib u dhiska wadanka iyo arimaha bulshada si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda argagaxisada ee Al-shabab isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda.

Shaikh Mohammad ayaa carabta ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka la hiigsanayo oo ah horumar iyo kala dambeyn. Waxaana uu shacabka Soomaaliyeed u rajaayay barwaaqo, nabad iyo deganaansho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu dowladda Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan arimaha bani’aadanimada, kaalinta dib u dhiska wadanka, ka gacansiinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Ugu dambeyntii labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wadhadleen arimaha gobolka iyo guud ahaan caalamka oo ay isku afgarteen in ay aragti isku mid ah ka lahaadaan.

 

Previous Post

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Next Post

Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Next Post
Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In