Ciidanka ilaalada xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya ayaa waxaa ay awood u yeesheen in ay ka hortagaan in Al-shabaab ay burburiyaan biraha isgaarsiinta deegaanada gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, sida uu sheegay isu duwaha gobolkaas Maxamuud Saalax.
Isagoo sheegay in dhowaan Al-shabaab ay burburiyeen labo anteeno isgaarsiin oo ay laheyd shirkadda telefoonada ee Β Safaricom oo ku kala yaalay deegaanada Lafey iyo Β Fino oo ka wada tirsan magaalada Mandera, si ay u carqaladeeyaan howlgalada ciidanka iyo isgaarsiinta deegaanka.
βWaxaan leenahay ciidamo joogto ah oo deegaanka ka howlgala kuwaas oo ka hortagaΒ maleeshiyaadka si aynan u waxyeelin isgaarsiinta deegaanada,β ayuu Saalax.
Hadalkan ayuu sheegay isuduwaha gobolka woqooyi bari ee dalka KenyaΒ Maxamuud Saalax xilli uu kormeerey xafiiska hanta dhowrka gobolkaas, isagoo tilmaamay in Al-shabaab ay miinooyin ku xiraan biraha isgaarsiinta isla markaana qorsheynayaan in sidoo kale ay burburiyaan dhuumaha biyaha magaalooyinka ku yaala gobolka woqooyi bari gaar ahaan kuwa u dhowΒ xadka.












