Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka qodobka ku saabsan xadka waa mid abuureysa jawi is afgarad’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 27, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: ”Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka qodobka ku saabsan xadka waa mid abuureysa jawi is afgarad’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 27 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumarka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka 27 07 2015

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka 27 07 2015

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In