Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Turkiga oo goor dhow soo gaari doona Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Turkiga iyo Soomaaliya: Birri maxey ka dhigan tahay?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay isu diyaarinayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen madaxweynaha dalka Turkiga.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si looga hortago falal argagixiso oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Madaxweynaha Turkiga ayaa la qorsheeynayaa in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhinaca kale la rajeynayo in uu xarigga ka jaro safaarad casri ah oo dowladda Turkigu ka hirgelisay magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Cabdulaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” ayaa sheegay in madaxweynayaasha labada dal ay kala saxiixan doonaan heshiisyo iskaashi ah, wuxuuna intaasi ku daray in madaxweynaha Turkiga uu dhagax dhigi doono dhismaha mashaariic cusub halka uu xarigga ka jaridoono safaaradda ugu weyn ee turkigu ku leeyahay caalamka.

Waa booqashadii Sadexaad ee Erdugan ku yimaado Muqdisho tan iyo sanadkii 2011-kii waxeyna booqashada Erdugan ku soo beegmeysaa xilli dhawaan Dekedda Muqdisho uu soo gaaray Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga kaasoo siday shixnado gargaar ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Wakiilka Midowga Afrika oo xarigga ka jaray dugsi ciidan oo AMISOM ka hirgelisay deegaanka Jasiira

Next Post

Dadaallo nabadeed oo ka socda Marko “Dhageyso”

Next Post
Dadaallo nabadeed oo ka socda Marko “Dhageyso”

Dadaallo nabadeed oo ka socda Marko "Dhageyso"

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In