Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

admin by admin
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

dhaqdhaqaaqyo  lagu doonayay in lagu qaboojiyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu  guul daraystay iyada oo sicirka  suuqyada haabhaabayo.

sido  kale waxa cirka isku shareeray muranka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Turkiga, iyada oo madaxweyne Erdogan uu Maraykanka ku eedeeyay in uu “Dhabarka naga toogtay” waa sida hadlka u yiri.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Maraykanka ayaa todobaadkii hore Turkiga kusoo rogay cunaqabatayn kadib markii dowladda Turkiga ay diiday in ay celiso baadari Maraykan ah oo lagu hayo dalka Turkiga.

Cunaqabataynta kadib, sicirka suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

Bankiga Dhexe ee Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe lagu xasilinayo qalalaasaha dhaqaale ee soo food saaray Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna magaalada Ankara ka sheegay in Turkiga la geliyay go’doon dhaqaale.

Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara ayuu yiri “Dhinac waxaad ka muujinaysaan in aad tihiin garab noo haya iskaashi istaraatiiji ah, dhanka kalena xabbad ayaad kor noogu rideysaan”.

“Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kale dhabarka ayaa toori naga galinaysaan” ayuu yiri Erdogan.

Arrinta baadariga ayaa ah mid ka mid ah arrimaha kala qeybinaya Mr Trump iyo Mr Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso 346 ciwaan oo baraha bulshada ah oo lasoo bandhigay qoraalo looga hadlayo arrimaha sicir bararka.

Turkiga iyo Maraykanka waxa ay isku hayaan baadariga diinta masiixiga Andrew Brunson oo illaa 2016-kii ku xiran Turkiga, isaga oo ku eedeysan xiriir uu layeeshay kooxaha Kurdiga iyo Gulen ee uu hoggaamiyo waddaadka Fatxullaah Gulen oo ku nool Pennysylvania, Maraykanka.

Taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiga ee la dagaalama Daacishta Suuriya ayaa ah arrin kale oo Turkiga uu ka qoomamay Maraykanka.

Arrinta ah isu dhowaanshaha Turkiga iyo Ruushka ayaa ahayd arrin uu Maraykanka jecleysan.

Labada dalka ee Turkiga iyo Maraykanka waxa ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana Turkiga ka furan saldhigga Incirlik ee xagga cirka oo NATO ay ka fuliso hawlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaan jira culeesyo gudaha oo isa soo taraya oo Erdogan loogu baaqayo in uu xiro saldhiggaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Turkiga u dhoofiyo Maraykanka kadib markii Turkiga diiday wareejinta baadariga.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 20% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in sicir suuqyada ay sabeeyeen.

Previous Post

Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In